4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 14, 2022
Guddoomiye Xirsi: Hadalka madaxweynaha waxa iiga baxay in uu yahay gole ka fuul

Talaado, Juun, 14, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa hadalka uu madaxweyne Biixi ku sheegay in uu doorashada xiligeeda ku qabanayo "gole ka fuul" ku tilmaamay.

Guddoomiyaha oo waraysi gaar ah siiyay idaacada BBC Somali, ayaa ku andacooday in madaxweynaha hadalkiisa iyo ficilkiisu is khilaafsanyihiin, oo uu yahay hadal uu iska yidhi.

"Hadalka madaxweynaha waxa iiga baxay in uu yahay hadal iska gole ka fuul ah, madaxweynaha hadalkiisa iyo ficilkiisu way is khilaafsanyihiin, oo guddidii doorashada ayuu kala diray ... waxa noo muuqda in hadal layska yidhi tahay"ayuu yidhi Xirsi.

Xiris ayaa sheegay in wadadii doorashada lagu gaadhi lahaa ayna xukuumada madaxweyne Biixi haynin, isaga oo sheegay in diwaangalintii codbixiyayaasha oo doorashada ka horaysay aan wali la bilaabin "Doorashadii xageeda looma dhaqaadhin, diwaangalintiina lama qaban".

Xirsi waxa uu sheegay in anay jirin doorasho kasoo horaysa doorashada madaxweynaha, isla markaana aan wali la gaadhin xiligii la qaban lahaa doorashada urrurada siyaasada oo ay ku beegantahay dhamaadka bisha December ee dabayaaqada sannadkan.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]