4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 14, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Safiiradda Soomaaliya u fadhiya dalalka Caalamka

Talaado, Juun, 14, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah Danjireyaasha Soomaaliya u fadhiya dalalka caalamka, isagoo ku adkeeyey inay sida ugu wanaagsan ugu adeegaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ay matalaan.

Danjireyaasha ayaa Madaxweynaha warbixin ka siiyey xaaladaha ay ku shaqeeyaan Safaaradaha Soomaaliya ee dibadda iyo Jaaliyadaha ku dhaqan daafaha caalamka, waxayna xoojiyeen hiigsiga Madaxweynaha ee ku aaddan Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

Kulankan waxaa goob joog ka ahaa Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Balal Maxamed Cismaan iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maxamed Cali Nuur.

Gabagabadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tan iyo markii dib loo doortay waxa uu waday dadaalo xoogan oo uu ku bixinaayo sidii uu u wanaajin lahaa xiriirka dowladda Soomaaliya kala dhaxeeya dunida inteeda kale, isagoona sameystay hal ku dhig ah Soomaali heshiis ah, Dunidana heshiis la ah.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online