4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 14, 2022
Madaxweyne Biixi: Maleeyahay awooda aan mudada ku korodhsanayo?
 

Talaado, Juun, 14, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in aanu doonayn in mudo xileedka loo kordhiyo, lakin waxa uu xusay in doorashada madaxweynaha ay ta urrurada siyaasadu kasoo horayso.

Madaxweynaha ayaa sheegay in aanu isagu awood u lahayn ina uu korodhsado mudo xileedka, shacabka oo ogol mooyaane, isla markaana aanu doonayn in loogu yeedho "madaxweynihii wakhtiga korodhsaday".

"Qolada mucaaradka ahi waxay igu yidhaahdaan kursiga ayuu sii dheeraysanayaa, oo wuu korodhsanayaa, oo wuu siyaadsanayaa, oo horta awoodaa ma leeyahay in aan korodhsado shacabka oo ogol mooyaane, ta kale ma doonayo naanays la yidhaa waa loo kordhiyay iyo wuu sii dheeraaday" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in uu la tartami doona xisbiyada kusoo baxa doorashada urrurada siyaasada, halkaasi oo ah qodobka khilaafku hada ka taaganyahay "Markii horena hadh cad ayaanu tartanay aniga iyo qoladaa mucaaradka ahi, imikana kuwa soo bixi doona hadh cad ayaan la tartamayaa".

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in si doorashada madaxweynaha loo galo loo baahanyahay in horta la qabto doorashada urrurada siyaasada kadibna la galo doorashada madaxweynaha, isaga oo sheegay in mudo gaaban lagu dhamayn karo doorashada urrurada hadii mucaaradku kala shaqeeyaan.

"Marka hore waa in xisbiyo soo baxaan 10 kii sannoba, waa asal, sharcigeeduna waa dhanyahay, hadii inta ka horaysa aanu dadaalno oo iyagu soo dedejiyaan waxaba laga yaaba November, October, Augost meelaha in aynu dhamayno xisbiyada, hadii la dhameeyana tii kalena way taagantahay uun" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Hadalka madaxweynaha ayaa caddayn u ah in uu wali ku adagyahay mawqif kisii uu ku doonayay in uu doorashada urrurada kaga soo hor mariyo ta madaxweynaha, taasi oo mucaaradku u arkaan wax aan suuragol ahayn oo sharci daro ah.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]