4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 12, 2022
Hay'adda socdaalka ee QM oo dalbatay 66 milyan oo dollar oo wax looga qabanayo abaaraha Soomaaliya
 

Axad, Juun, 12, 2022 (HOL) - Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa codsatay 66 milyan oo doolar si gargaar bini’aadantinimo loo gaarsiiyo in ka badan 1.25 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya.

Hay'adda socdaalka ee Qaramada Midoobay ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay u baahan tahay dhaqaale degdeg ah si loo sii wado barnaamijyada lagu badbaadinayo nolosha iyo in laga caawiyo bulshooyinka la qabsiga iyo u adkeysiga abaaraha mustaqbalka.

Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in ka badan 7.1 milyan oo qof, oo ah ku dhawaad kala bar tirada guud ee dadka Soomaaliya ku nool, kuwaas oo wajahaya abaareed aad u daran.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee OCHA ayaa xaqiijiyay in sanadka 2022-ka uu helay 260 milyan oo doollar oo loogu talagalay jawaabaha gargaarka bani’aadanimo ee Soomaaliya.

IOM waxa ay sheegtay in ay sare u qaadayso wax ka qabadkeeda in ka badan 350,000 oo qof oo ay abaartu saamaysay, taasoo ah tii ugu darnayd ee la arko muddo tobanaan sano ah ka dib markii afar xilli roobaad oo xidhiidh ah uu roobabku di’i waayay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]