4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 1 , 2022
Guddomiyahii gobolka Sitti ee dowlad degaanka Soomaalida oo xilkii uu hayay iska casilay
 

Arbaco, Juun, 1, 2022 (HOL) - Guddoomiyihii gobolka Sitti ee dowlad degaanka Soomaalida Maxamed Maxamuud Xadi ayaa xilkii uu hayay iska casilay, sida uu ku caddeeyay bartiisa Facebook-ga.

Guddoomiyaha is casilay ayaa ku sheegay sababta is casilaaddiisa inuu u boggi waayay qaabka ay dowlad degaanku u maareysay arrimaha gobolka Sitti, gaar ahaan xaaladda galbeedka Sitti iyo abaarta daran ee halkaa ka jirta.

Balse war kasoo baxay dhanka Xukuumadda degaanka Soomaalida ayaa lagu sheegay in guddoomiyaha gobolka Sitti shaqo joojin lagu sameeyay, iyagoo u sababeeyay inuu ku fashilmay gudashada waajibaadkii loo igmaday, waa sida lagu sheegay warqadda ka soo baxday dhanka Xukuumadda degaanka Soomaalida.

Xukuumadda degaanka Soomaalida ayaa inta badan lagu dhaliilaa inaysan sidii la rabay uga hadal ama u maareyn arrimaha ka jira galbeedka gobolka Sitti, ee ay abaartu ugu darsantay colaadda u dhaxaysa Soomaalida iyo Canfarta.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]