4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 1 , 2022
Mareykanka oo dib u soo nooleeyay codsigii uu Kenya kaga dalbanayay in duqeymo ka dhan ah Alshabaab laga fuliyo Kenya

Arbaco, Juun, 1, 2022 (HOL) - Mareykanka ayaa dib u soo nooleeyay codsigii uu Nairobi kaga dalbanayay in duqeymo diyaaradeed oo ka dhan ah ururka Alshabaab uu ka fuliyo gudaha dalka Kenya.

Madaxweyne Joe Biden ayaa aad u daneynaya inuu xoojiyo joogitaanka ciidamada Mareykanka ee Geeska Afrika.

Joe Biden ayaa dhowaan saxiixay 500 askari oo Maraykan ah oo dib loogusoo celiyo Soomaaliya, si ay taageeradan howlgallada military ee dowladda Soomaaliya iyo ATMIS.

Kenya ayaa horey uga biyo diiday in weeraro laga soo qaado dhulkeeda, iyadoo qorshahaan dib ugu celisay Maraykanka oo doonaya in Alshabaab lagu beegsado gudaha Kenya.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa mar uu u waramayay warbaahinta FRANCE 24, wuxuu yiri,” "Ma aqbali doono in duqeymo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ka geystaan gudaha Kenya".

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]