4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 1 , 2022
Musharax Cirro: Bannaanbuxu wuu dhacaya cid xaq u leh oo hor istaagi kartaana ma jirto
 

Arbaco, Juun, 1, 2022 (HOL) - Musharaxa madaxweynaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in mudaharaado ay qabanayaan xili xukiimadu ay mamnuucday wax mudoharaad ah.

Cirro waxa uu sheegay in bannaanbaxyadu ay dhacayaan isla markaana anay jirin cid xaq u leh in ay hor istaagto, waxa uu sheegay in ay socoto qaban qaabada bannaanbuxu isla markaana waxa uu hay'adaha amniga ugu baaqay in ay ilaaliyaan xuquuqda muwaadiniinta.

"Bannaan-baxa iyo muujinta dareenka Shacbigu waa xaq dastuuri ah, waana uu dhacayaa cid xaq u leh oo is-hortaagi kartaana ma jirto, qorshihii iyo diyaar-garawgii isu soo baxa nabadeedna sidiisii ayuu u socdaa. Hay’adaha amniga waxaa ku waajib ah ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta oo uu ka mid yahay xaqa cabbirka ra’yiga iyo bannaan baxuba" ayuu yidhi Cirro.

Cirro ayaa ciidamada kala duwan uga digay in ay ku milmaan siyaasada, waxa uu ku hanjabay in cidii gaysata gaf sharci ay wajihi doonto ciqaab iyo isla xisaabtan.

"Ciidamadda qalabka sida ee qaranka JSL waxa aan uga digayaa in ay ku milmaan murranada siyaasadda ee xukuumadda xilkeedu sii dhammaanayo ee ay dalka ka waddo. Ciddii gaysata gef iyo xad-gudub waxaa ka dhalan doona ciqaab iyo isla-xisaabtan, shacabka & sharciguba midna saamixi maayo" ayuu yidhi Cirro.

Xisbiyada mucaaradka ayaa balan qaaday isoobaxayo kadib markii ay sheegeen in xukuumadu ay ka leexatay dhabadii doorasho lagu gaadhi lahaa, xukuumada iyo mucaaradka ayaa isku afgaran waayay hanaanka loo qabanayo dibadbaxyada, isla markaana xukuumada ayaa gabi ahaanba mamnuucday.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online