4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 8 , 2022
Somaliland: Dad ku dhintay dab ka kacay guri ku yaala degmada Dilla ee gobolka Awdal

Sabti, January, 8, 2022 (HOL) - Laba Caruura oo mataano ah ayaa maanta ku dhintay dab qabsaday hoygii ay ku noolaayeen oo ku yaala degmada Dilla ee gobolka Awdal gaar ahaan xaafada Laanta Hawada, sida lagu baahiyay boga ciidanka dab-damiska.

Ciidamada dab damiska ee gobolka Awdal ayaa usoo gurmaday guriga gubtay, iyagoo dabkiina bakhtiiyay caruurta maydkoodana guriga kasoo saaray. Caruurta ayaa guriga dusha lagaga xidhay sida ciidanka dab-damisku  sheegeen.

Caruurta ayaa ahaa mataaano, hablo ah, ciidamada dab-damiska ayaana wada baadhitaan lagu ogaanayo sababta dabka dhalisay.

"Caruurta ayaa ahaa mataano da'adoodu ahayd 9 bilood , waxaana magacyadoodu kala ahaayeen Muuna Cabdiraxmaan Jaamac iyo Mahdiya Cabdiraxmaan Jaamac. Intaa kadib ciidamada ayaa baadhista iyo maydkii ku wareejiyay maamulka degmada" ayaa lagu yidhi warbixinta dab-damiska.

Ciidanka ayaa ugu danbayntii tacsi u diray qosyka ay ka baxeen labada caruurta ahi.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]