4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 8 , 2022
Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo soo gabagaboobay Maalintiisii shanaad

Sabti, Janaayo, 8, 2022 (HOL) - Waxaa goordhaw soo gabagaboobay shirkii Golaha wadatashiga Qaran oo maanta oo Sabti ah galay maalintiisii shanaad, kaasoo madaxda ay uga doodayaan cabashooyinka kasoo laabtay doorashooyinkii dhawaan ka dhacay qaar ka mid ah magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Dhuusamareeb iyo Kismaayo

Golaha wadatashiga ayaa la sheegay in maanta ay si weyn uga doodeen qodob ka mid ahaa cabashadii ay soo gudbiyeen Midowga Musharaxiinta, Ururada Bulshada Rayidka iyo wakiilada Beesha Caalamka, kaasoo ahaa in doorashada aysan aheyn mid daahfuran.

Afhayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani  ayaa sheegay in kulankii maanta dhexmaray madaxda wadatashiga qaranka uu ahaa mid jawi wanaagsan ugu soo dhamaaday, islamarkaana maalinta berito ah ay markale la kulmayaan Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya.

“Kulankii maanta ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, hadda ayuu soo dhammaaday waxaana socda latashiyadii ugu danbeeyay, Berito ayeey isu soo laaban doonaan waxaana qorshuhu yahay inay la kulmaan Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Afhayeenka Madaxtooyadda  Puntland.

Shirka Golaha wadatashiga Qaran ee Muqdisho uga socda shanta madaxweyne dowladd goboleed, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Raysal wasaare Rooble ayaa si weyn uga duwan shirarkii hore ee Golaha ku dhexmaray Muqdisho, maadama haatan khilaaf kii ugu darnaa uu ka dhex taagan yahay labada masuul ee ugu sareysa dalka, waxaana shirkan laga filayaa iney kasoo baxaan natiijooyin wanaagsan oo dalka ka samata bixin karta cakirnaanta siyaasadeed.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online