9/24/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 8 , 2022
Xukuumadda Soomaaliya oo dib u fasaxday isticmaalka UN-Terminaal ee garoonka Aadan Cadde
 

Sabti, Janaayo, 8, 2022 (HOL) - Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay dib u furtay  isticmaalka UN Terminal ee garoonka Aadan Cadde oo aheyd qeyb u gaar ah isticmaalkeeda UN-ka, AMISOM iyo dhamaan Ajaaniibta degan Xerada Xalane.

Ternimaalkan oo ay dhawaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya sheegtay iney xirtay ayaa haatan Wasaaradda amniga Xukuumadda Soomaaliya ay sheegtay iney dib u fasaxday isticmaalka Terminaalkaasi.

Amarka in dib loo furo Terminaal UN ee garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa bixiyay wasiika Amniga Soomaaliya Cabdulaahi Maxamed Nuur, kadib wadahadalo dhexmaray wasiirka iyo Diblumaasiyiinta ku sugan Xerada Xalane.

Wasiiradda Arrimaha Dibadda iyo Amniga ee Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya ee kala bixiyay amarada lagu xiray Terminaalka iyo kan dib loogu furay ayaa ah laba wasiir oo saaxiibo dhaw la kala ah madaxweynaha iyo raysal wasaaraha oo xiligaan khilaaf noocii ugu darnaa uu ka dhex taagan yahay, waxayna arintaan dab kusii shideysa khilaafka ka dhex jiray labada dhinac oo ku loolamaya dhanka awooda.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online












Click here
1/8/2022 2:55 PM EST
Sabti, January, 8, 2022 (HOL) - Laba Caruura oo mataano ah ayaa maanta ku dhintay dab qabsaday hoygii ay ku noolaayeen oo ku yaala degmada Dilla ee gobolka Awdal gaar ahaan xaafada Laanta Hawada, sida lagu baahiyay boga ciidanka dab-damiska.

1/8/2022 9:24 AM EST
Sabti, Janaayo, 8, 2022 (HOL) - Waxaa goordhaw soo gabagaboobay shirkii Golaha wadatashiga Qaran oo maanta oo Sabti ah galay maalintiisii shanaad, kaasoo madaxda ay uga doodayaan cabashooyinka kasoo laabtay doorashooyinkii dhawaan ka dhacay qaar ka mid ah magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Dhuusamareeb iyo Kismaayo

1/8/2022 9:16 AM EST
Sabti, Janaayo, 8, 2022 (HOL) - Xogeeyaha Arrimaha Bulshada ee Xisbiga Waddani Maxamed Sadiiq Dhamme, ayaa sheegay in Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, aanu Somaliland gashan wax tacab ah, isla markaana uu dowlada Soomaaliya la shaqayn jiray xiliyadii hore.

1/8/2022 7:29 AM EST
Sabti, Janaayo, 8, 2022 (HOL) - Taliska Qeybta Booliiska Gobolka Bari ayaa sheegay in ay ku guuleystaen qabashada shabakad isku xiran oo ka shaqeysa tahriibka dadka u kala soconaya dalalka Soomaaliya, Yemen, Sudan iyo Libiya.

1/8/2022 2:17 AM EST
Sabti, Janaayo, 8, 2022 (HOL) - Ciidamada Booliiska iyo Kuwa Nabadsugida maamulka Jubbaland ayaa Xalay howlagalo waqti badan qaatay ka sameeyay xaafadaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

1/8/2022 1:05 AM EST
Sabti, Janaayo, 8, 2022 (HOL) - Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa soo dhoweeyay tallaabada uu Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble dib-ugu-saxayo xiriirka diblumaasiyadeed iyo iskaashi ee Soomaaliya la lahayd dowladda Imaaraatka Carabka.

1/8/2022 12:51 AM EST
Sabti, Janaayo, 8, 2022 (HOL) - Puntland ayaa heshiis nabadeed dhex dhigtay beelo walaalo ah oo dhowaan ku dagaalamay deegaanadda Saax-maygaag iyo Sange-jabiye ee dhaca inta u dhaxaysa magaalooyinka Garowe iyo Boocame.

1/8/2022 12:27 AM EST
Sabti, Janaayo, 8, 2022 (HOL) - Golaha wadatashiga qaran ayaa xalay yeeshay kulan looga arrinsanayay doorashooyinka dalka, kaas oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

1/8/2022 12:15 AM EST
Sabti, Janaayo, 8, 2022 (HOL) - Musharaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland ku yimid doorasho loona baahanyahay in uu doorasho ku tago marka uu xilka dhamaysto.

1/8/2022 12:12 AM EST
Sabti, Janaayo, 8, 2022 (HOL) - Dowladda Itoobiya ayaa habeenkii xalay ahaa waxay cafis u fidisay qaar kamid ah madaxda u sarraysa Ururka TPLF, sida ay baahisay Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Itoobiya.