3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 8 , 2022
Jubbaland iyo Puntland oo taageeray mowqifka raysal wasaare Rooble ee xiriirka Imaaraatka

Sabti, Janaayo, 8, 2022 (HOL) - Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa soo dhoweeyay tallaabada uu Ra’iisal Wasaare  Maxamed Xuseen Rooble dib-ugu-saxayo xiriirka diblumaasiyadeed iyo iskaashi ee Soomaaliya la lahayd dowladda Imaaraatka Carabka.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale bogaadiyay garowsiyaha iyo raallingelinta uu raysal wasaaruhu ka bixiyey lacag dowladda Imaaraatku lahayd oo bishii april ee 2018 dowladda Soomaaliya ku qabatay garoonka Aadan Cadde, lacagtaas oo dowladdu la wareegtay.

"Waxaan boggaadineynaa garowsiyaha iyo raallingelinta Ra’iisalwasaaruhu ka bixiyey khaladkii  April 2018 lagula kacay Dowladda aynu walaalaha nahay ee Imaaraadka. Dowladda Imaaraadka uga mahacelinaysa gurmadkii ay maanta u fidiyeen dadka Soomaaliyeed ee Abaaruhu saameeyeen,  waxaana rajeynaynaa gurmadkaasi inuu wada gaaro dhammaan dalka," ayuu yiri madaxweyne Deni."

Dowladda Soomaaliya ayaa lacagtaas ku sheegtay mid sharci darro ah oo la doonayay in dalka lagu qalqal galiyo. Labada madaxweyne ayaa taageeray in lacagtaas dib loogu celiyo Imaaraatka, sida uu raysal wasaaruhu go'aamiyay maalintii shalay.

Balse, madaxweyne Farmaajo ayaa xalay soo saaray amar lagu farayo bangiga dhexe in aan lacagtaas laga saari karin, isagoo Farmaajo uu sheegay in lacagtaasu ahayd mid si sharci dalka lagusoo geliyay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
1/8/2022 2:55 PM EST
Sabti, January, 8, 2022 (HOL) - Laba Caruura oo mataano ah ayaa maanta ku dhintay dab qabsaday hoygii ay ku noolaayeen oo ku yaala degmada Dilla ee gobolka Awdal gaar ahaan xaafada Laanta Hawada, sida lagu baahiyay boga ciidanka dab-damiska.

1/8/2022 9:24 AM EST
Sabti, Janaayo, 8, 2022 (HOL) - Waxaa goordhaw soo gabagaboobay shirkii Golaha wadatashiga Qaran oo maanta oo Sabti ah galay maalintiisii shanaad, kaasoo madaxda ay uga doodayaan cabashooyinka kasoo laabtay doorashooyinkii dhawaan ka dhacay qaar ka mid ah magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Dhuusamareeb iyo Kismaayo

1/8/2022 9:16 AM EST
Sabti, Janaayo, 8, 2022 (HOL) - Xogeeyaha Arrimaha Bulshada ee Xisbiga Waddani Maxamed Sadiiq Dhamme, ayaa sheegay in Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, aanu Somaliland gashan wax tacab ah, isla markaana uu dowlada Soomaaliya la shaqayn jiray xiliyadii hore.

1/8/2022 7:29 AM EST
Sabti, Janaayo, 8, 2022 (HOL) - Taliska Qeybta Booliiska Gobolka Bari ayaa sheegay in ay ku guuleystaen qabashada shabakad isku xiran oo ka shaqeysa tahriibka dadka u kala soconaya dalalka Soomaaliya, Yemen, Sudan iyo Libiya.

1/8/2022 2:17 AM EST
Sabti, Janaayo, 8, 2022 (HOL) - Ciidamada Booliiska iyo Kuwa Nabadsugida maamulka Jubbaland ayaa Xalay howlagalo waqti badan qaatay ka sameeyay xaafadaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

1/8/2022 2:08 AM EST
Sabti, Janaayo, 8, 2022 (HOL) - Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay dib u furtay isticmaalka UN Terminal ee garoonka Aadan Cadde oo aheyd qeyb u gaar ah isticmaalkeeda UN-ka, AMISOM iyo dhamaan Ajaaniibta degan Xerada Xalane.

1/8/2022 12:51 AM EST
Sabti, Janaayo, 8, 2022 (HOL) - Puntland ayaa heshiis nabadeed dhex dhigtay beelo walaalo ah oo dhowaan ku dagaalamay deegaanadda Saax-maygaag iyo Sange-jabiye ee dhaca inta u dhaxaysa magaalooyinka Garowe iyo Boocame.

1/8/2022 12:27 AM EST
Sabti, Janaayo, 8, 2022 (HOL) - Golaha wadatashiga qaran ayaa xalay yeeshay kulan looga arrinsanayay doorashooyinka dalka, kaas oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

1/8/2022 12:15 AM EST
Sabti, Janaayo, 8, 2022 (HOL) - Musharaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland ku yimid doorasho loona baahanyahay in uu doorasho ku tago marka uu xilka dhamaysto.

1/8/2022 12:12 AM EST
Sabti, Janaayo, 8, 2022 (HOL) - Dowladda Itoobiya ayaa habeenkii xalay ahaa waxay cafis u fidisay qaar kamid ah madaxda u sarraysa Ururka TPLF, sida ay baahisay Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Itoobiya.