4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 7 , 2022
Madaxweyne Farmaajo oo bangiga dhexe ku amray inaan qasnada laga saarin lacag $9.6 million ah oo Imaaraatku leeyahay
 

Jimco, Janaayo, 7, 2022 (HOL) - Madaxweyne Farmaajo ayaa Bangiga Dhexe ku amray inaan laga bixin qasnada lacag $9.6 milyan oo ay Dowladda Imaaraadka leedahay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in lacagtaasi sifo sharci darro ah dalka lagusoo galiyay islamarkaana hal qof oo dowladda katirsan uusan awood u lahayn inuu bixiyo amar lagusoo saarayo.

Go'aanka madaxweyne Farmaajo ayaa ah mid lagu hor istaagayo amar kasoo baxay raysal wasaare Rooble, kaas oo maanta amray in qasnada dowladda lagasoo saaro lacagtaas oo uu sheegay in loo celinayo dowladda Imaaraatka Carabka.

Hadalkaan ayuu raysal wasaaruhu ka sheegay xilli uu maanta Muqdisho kula kulmay safiirka Imaaraatka ee Soomaaliya, kaasoo Muqdisho geeyay mucaawino loogu talo galay dowladda Soomaaliya.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online