4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 7 , 2022
Qarax geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya
 

Jimco, Janaayo, 7, 2022 (HOL) - Gaari ay saarnayeen ciidamo ka tirsan Militariga dowladda Soomaaliya ayaa barqanimadii Maanta lagula beegsaday qarax miino oo ahaa nooca meelaha fog fog laga hago inta u dhaxeysa magaaloyinka Dhuusamareeb iyo Ceeldheere.

Wararka laga helaayo khasaaraha ka dhashay qaraxaasi ayaa sheegaya iney ku dhinteen qaraxa laba askari, islamarkaana ay ku dhaawacmeen sideed askari oo kale, kuwaas oo dhaawacyadooda la geeyay Isbitaalka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Ciidamada qaraxa miino lala beegsaday ayaa wararka soo baxaya waxay sheegayaan iney kusii jeedeen deegaanka Baxdo oo aroornimadii hore ee saakay Al-shabaab weerar xoogan ku galeen gudaha deegaankaasi.

Al-shabaab oo sheegatay masuuliyada weerarka qaraxa miino ayaa sheegatay in qaraxaasi uu khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh kasoo gaaray ilaa 15 askari, islamarkaana uu gabi ahaanba burburay gaarigii qaraxa uu haleelay.

Dhawaan ayay aheyd markii sidaan oo kale Al-shabaab qarax miino oo nooca dhulka lagu aaso ah ay kula beegsadeen deegaanka Ceeldheere gaari ay saarnayeen ciidamo ka tirsan Kumaandooska DANAB, waxaana ku dhintay qaraxaasi 8 askari oo ka mid ahaa DANAB, waxaana ku dhaawacmay sadax kale.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online