4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 7 , 2022
Madaxwayne Mustafe cagjar " Abaarta Ilaahay ayaa keena, laakiin ka jawaabideedu waa masuuliyad ina wada saaran"

Jimco, Janaayo, 7, 2022 (HOL) - Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe cagjar oo maanta ka qayb galay xus ay isugu yimaadeen taageerayaasha Ururka Dulmidiid, ayaa waxa uu ka hadlay xaaladda abaaraha ee dowlad degaanka Soomaalida ka jirta.

Madaxwaynuhu wuxuu sheegayay in xukuumaddiisu ay 100% diyaar u tahay inay ka jawaabto xaaladda abaaraha ee degaanka ka jirta, isagoo xusay in wakhti xaadirkan ay inta badan dowladdu wado hawlaha gurmadka abaaraha ee ka socda meelo badan oo kamid ah dowlad degaanka Soomaalida.

Waxa kale oo uu sheegay Madaxwaynuhu in sawaxankan badan ee socdaayi ee abaaraha ku saabsan uu isugu jiro marka laga yimaaddo in abaar darani degaankii ka jirto, in sidoo kale ay jiraan dal daloolooyin ka jira dhanka maamulka oo ah qaabka looga jawaabay abaaraha, oo uu Madaxwaynuhu sheegay inay jiri karaan in meelaha qaar aan sidii la rabay wax loo gaarsiinin, iyo waliba inay jirto dad isugu jira maamul iyo ganacsato rabta inay ka taajiraan hawlaha gurmadka abaaraha.

Madaxwaynuhu waxa uu sidoo kale sheegay inay jirto lacago kale oo ilaa 5 boqol oo milyan oo Birr ah, taas oo uu sheegay inay tahay dayn lagaga jawaabi doono abaaraha.

Ugu dambayn, Madaxwaynuhu wuxuu sheegay in Abaarta iyo biyo la'aanta uu Ilaahay keeno, balse masuuliyadeedu waa mid ina wada saaran, waa siduu hadalka u dhigay Madaxwaynuhu.

Hadallada Madaxwaynaha ayaa u muuqday kuwo jawaab u ahaa dhaliilo badan oo Madaxwaynaha loo soo jeedinayay maalmahan, kuwaas oo ku saabsanaa qaabkii uu uga jawaabay hawlaha gurmadka abaaraha.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]