4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 3 , 2022
Wararkii ugu dambeeyay xaalada guud ee magaalada Baledweyne

Isniin, January, 3, 2022 (HOL) - Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa ku guuleystay goordhaw iney xabad joojin ka dhex sameeyaan, islamarkaana ay kala qaadaan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa la kala baxay Badbaado Hiiraan iyo Kacdoonka Hiiraan oo isku horfadhiyay xaafada Ceel Jaalle ee magaalada Baledweyne.

Odayaasha ayaa sidoo kale ku guuleystay iney furaan wadooyinka gudaha magaalada Baledweyne oo ay ku xirnaayeen dhagxaan farabadan iyo geedo kale, waxaana haatan dib u furmay dhamaaan isku socodka gaadiidka, dadweynaha iyo goobaha ganacsiga.

Xaaladda maanta waa mid degan waxaana ciidamada kasoo horjeeda Hirshabeelle oo ay kala hogaamiyaan Jenaraal Xuud iyo Korneyl Nuur Dheere ay kala dagan yihiin goobo aanan kala fogeyn oo ku yaala xaafada Ceel Jaalle, sida garoonka kubadda cagta Laqanyo iyo halka lagu magacaabo sarta Jaceylka.

Dhinaca kale ciidamada dowladda ayaa barqanimadii maanta waxay toogasho ku dileen qof shacab ahaa oo ku sugnaa afaafka hore ee gurigiisa oo ku yaala xaafada Nuur Xawaad kaasoo lagu magacaabi jiray Faarax Sugoow Waasuge, waxaana rasaasta marxuumkaasi uu ku dhintay kusii dhaawacmay qof kale oo shacab ah.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online