4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 3 , 2022
Jenaraal Abuukar Xuud oo si kulul uga hadlay dagaalkii Shalay ka dhacay duuleedka Baledweyne
 

Isniin, January, 3, 2022 (HOL) - Hogaamiyaha Golaha Kacdoonka Hiiraan Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo ka hadlay dagaalkii shalay galinkii hore ku dhexmaray ayaga iyo ciidamada dowladda iney lahayeen masuuliyada weerarka dagaalkaasi oo lagu eedeeyay iney ka dambeeyeen ayaa sheegay in weerarka dagaalka lagu soo qaaday fariisinkooda deegaanka Qowlad, islamarkaana ay iska difaaceen dagaalkii lagu soo qaaday.

Waxuu intaasi ku daray in isaga iyo ciidankiisa ay diidan yihiin jiritaanka maamulka Hirshabeelle oo uu sheegay in dowladda ay xoog iyo caburin ku dhistay, islamarkaana ay diiday wadahal iyo heshiis, waxuuna tilmaamay in ujeedkoodu uu yahay sidii ay u dhisi lahayeen maamul lagu magacaabo Hiiraan State.

"Maammul la yirahdo Hirshabelle kama jiro Hiiraan waaxa dhacaya oo dhan, waxay u dhacayaan waa intaa. Sida dowladda federaalka khasabka iyo juujuubka ah ee ay ku dhisatay maamulka Hirshabelle, si aan aqbali karno oo aan yeeli karno ma aha. Annaga Hiiraan baa nala yirahdaa, gobolkan waa gobol gobolladii kale ka haray, xaqdarrada intaasi la'eg oo nagula sameeyay ayaan ka dhiidhinay oo aan diidannahay, waxaana  doonayna inaa dhisano maamul Hiiraan u gaar ah Hiiraan State" ayuu yiri Janaraal Xuud.

Hadalkaan kasoo baxay Jenaraal Xuud ayaa imaanaya xili dagaalkii shalay dhacay uu guddoomiyaha gobolka Hiiraan uu sheegay in ciidamada maamulka oo u socda howlgal ka dhan Al-Shabaab ay ciidamadan wadada u galeen.

Waxaa xusid mudan in xalay gudaha magaalada Baledweyne lagu dhex arkay Janeraal Xuud oo uu wehlinaayo Korneyl Nuur Dheere oo ahaa sarkaal dhawaan gudaha Baledweyne kula dagaalamay ciidamada dowladda iyo kuwa Hirshabeelle.

Gabagabdii waxaa saakay xaalad deganaasho ah laga dareemaya magaalada Baledweyne iyo nawaaxigeeda oo shalay ay ka dhaceen dagaalo iyo banaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeeday Hirshabeelle.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online