4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 2 , 2022
Guddoomiyihii guddiga KMG doorashooyinka Puntland oo iscasilay
 

Axad, January, 2, 2022 (HOL) - Guddoomiyihii guddiga KMG doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre ayaa shaaciyay inuu iska casilay xilkii isagoo sheegay inuu barlamaanka u gudbiyay warqad uu ku bannaynayo xilka uu hayay.

Guuuleed Saalax oo muddo labo sano iyo bar ahaa guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland ayaa sheegay sababta uu isaga casilay xilkaan inay tahay  duruurfo ka hor yimid dartood.

"Waxaan u mahadcelinayaa cid walba oo gacanqabad iyo taageero siisay Hay’adda Doorashooyinka si guud anigana si gaar ah muddadii aan hogaaminayay Hay’adda. Si gaar ah waxaan ugu mahadcelin Madaxweynaha iyo dhamaan masuuliyiinta dawladda, ururada siyaasadda, ururada bulshada, dadweynaha reer Puntland iyo saaxiibada beesha caalamka" ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa.

Iscasilaada guddoomiyaha guddiga KMG doorashooyinka Puntland ayaa kusoo beegantay, iyadoo golayaashii deegaanka ee lagu doortay doorashooyinkii ururada siyaasada aanay weli xilkoodii kala wareegin golayaashii deegaanka ee waqtigoodii uu dhamaaday.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online