4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 2 , 2022
6 qof oo ku geeriyooday dagaal beeleed ka socda inta u dhexaysa Garowe iyo Boocame

Axad, January, 2, 2022 (HOL) - Ugu yaraan 6 qof ayaa ku geeriyooday 15 kalena way ku dhaawacmeen dagaal u dhaxeeya labo maleyshiyo beeleed oo ka socda deegaanno dhaca inta u dhaxaysa Garowe iyo Boocame.

Dagaalka ayaa salka ku haya muranka ka dhashay deegaamaynta Saax-maygaag iyo sange-jebiye  oo ah dhul daaqsimeed u dhaxeeeya tuulada Birta dheer oo Garowe hoos timaada iyo degmada Bocame oo katirsan gobolka Sool.

Dagaalka ayaa lagusoo waramayaa inuu weli socdo, waxaana deegaannadaas horey uga barakacay boqolaal qoys oo sannadkii hore degenaa.

Puntland ayaa ku guul daraysatay in ay xakamayso colaaddaan oo muddo soo jiitamaysay, taasoo lagu eedeeyay in ay sii hurinayaan ciiddamo  Puntland katirsan oo labada dhinac kasoo kala jeeda.

Ciidamo deegaannada lagu dagaalamayo la geeyay ayaa ku guulaysan waayay in ay kala qaadaan labo maleyshiyo  beeleed ee is horfadhiya.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online