4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 2 , 2022
Dagaal culus oo ka qarxay duuleedka magaalada Baledweyne
 

Axad, January, 2, 2022 (HOL) - Dagaal aad u xoogan ayaa lasoo warinaya inuu haatan ku dhexmaraayo deegaanka lagu magacaabo Qowlad oo ilaa 12-KM dhinaca Waqooyi bari uga beegan magaalada Baledweyne ciidamada dowlada Soomaaliya, kuwa maamulka Hirshabeelle oo dhinac ah iyo ciidamo ka amar qaata Korneyl Nuur Dheere oo ka mid ahaa saraakiishii ciidanka la baxay Badbaado Hiiraan.

Dagaalka oo ah mid culus ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Hirshabeelle ay weerar ku qaadeen ciidamada Taliye Nuur Dheere oo halkaasi fariisin ka sameystay, kadib dagaalkii habeen hore ku dhexmaray labada dhinac gudaha magaalada Baledweyne.

Wararka soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in dagaalka la isku adeegsaday hubka culus iyo kan fudud intaba, islamarkaana uu ka dhashay khasaare labada dhinac kala gaaray oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, walow aanan la xaqiijin karin inta uu la egyahay khasaaraha rasmiga ah.

Wararkii ugu dambeeyay ee shabakadda HOL ka heleyso dagaalka ayaa waxay sheegayaan in haatan uu dagaalka yara joogsaday, inkastoo labada dhinac wali kala joogaan goobahii ay xabada ka bilaabatay, walow ay jiraan gurmadyo ciidan oo labada dhinac kala gaarayo.

Dagaalkaan ayaa imaanaya xili Shalay galinkii dambe uu gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan  Sheegay inay ciidamada kala duwan u diyaar garobaan howlgalo cusub oo ka dhan ah ciidamada kasoo horjeeda Hirshabeelle.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online