4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 2 , 2022
Taliska Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya oo sheegay iney howlgalo kusoo qabqabteen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab
 

Axad, January, 2, 2022 (HOL) - Ciidamo ka tirsan Kumaandooska Gorgor oo howlgalo ka sameeyay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Sh/hoose ayaa sheegay iney gacanta kusoo dhigeen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

Howlgalada ayaa la sheegay in ciidamada Kumaandooska Gogor ay si gaar ah uga sameeyeen deegaanada kala ah Tooratoorow, Bariire, Jowhar yareey, Shaam Gumare iyo Mubaarak oo dhamaantood ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Taliyaha guutada 17-aad ee ciidanka Kumaandooska Gorgor Dayax Cabdi Cabdulle oo hoggaaminaayay ciidanka howlgala fuliyay ayaa warbaahinta u sheegay iney kuso qaqabteen howlgalka lix ka mid ah dagaalyahanada Al-shabaab.

Saraakiisha Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee ka howlgala gobolka Sh/hoose ayaa sidoo kale sheegay in howlgalada ay kula dagaalamayaan Al-shabaab iney sii socon doonaan, ilaa ay ka saarayaan dhamaan deegaanada gobolka, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka dagaalamayaasha Al-shabaab ee ku aadan howlgalada ay sheegeen saraakiisha Gorgor iney kusoo qabqabteen xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online