4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 18, 2022
Guddiga Doorashada Maamulka Puntland oo shaaciyay doorashada 11 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka

Talaado, Janaayo, 18, 2022 (HOL) - Guddiga hirgelinta dooraahada maamulka Puntland ayaa soo saaray liiska doorashada 11 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Puntland.

Puntland waxaa taala 37 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo laga soo kala dooran doono magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso.

Maamul goboleedyada dalka ayaa bilaabay dardargelinta howlaha doorashada Golaha Shacabka, waxii ka dambeeyay shirkii Golaha wadatashiga Qaranka ee ugu soo gabagaboobay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Hoos ka akhriso Liiska kuraasta la shaaciyay.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online