3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 18, 2022
Taliyaha Ciidanka Dhulka Jenaraal Biixi oo ku guuleystay inuu heshiis hordhac ah la gaaro Golaha Kacdoonka Hiiraan
 

Talaado, Janaayo, 18, 2022 (HOL) - Kadib kulan saacado badan qaatay oo maanta ku dhexmaray Xerada Lamagalaay ee gudaha Magaalada Baledweyne Taliyaha ciidanka Lugta Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi iyo xubno ka tirsan hoggaanka sare ee Golaha kacdoonka Hiiraan ee uu hogaaminayo Jenaraal Abuukar Xuud, ayaa waxaa la sheegay in labada dhinac ay isku afgarteen heshiisyo hordhac ah.

Taliyaha ciidanka dhulka dowladda Soomaaliya oo shalay gaaray magaalada Baledweyne ayaa ku guuleystay in markii ugu horeysay ay wada kulmaan Jenaraal xuud iyo xubno ka tirsan Hirshabeelle oo dagaal ka dhaxeeyay, islamarkaana ay u suurta gashay inuu la galo Golaha Kacdoonka is afgarad hordhac ah.

Shaafici Maxamed Yuusuf oo ka mid ahaa xubnaha Golaha Kacdoonka Hiiraan ee qeybta ka ahaa kulanka maanta ka dhacay Xerada Lamagalaay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney heshiis hordhac ah ay wada gaareen Golaha Kacdoonka iyo wafdiga ka socday dowladda dhexe ee uu hoggaaminaayay Jenaraal Biixi.

"Inaga dowlad diid maheyn ee marwalba waxan sugeynay cid dowladda kasocota oo inagala hadashada tabashadeena maanta waxaana isla afgaranay taliyaha Lugta ineysan dhicin xabad dambe oo wax walba heshiis iyo wadahal lagu dhameeyo" ayuu yiri Shaafici Maxamed.

Injineer Khaliif Idiris oo ka mid ahaa xubnaha kulanka ka qeyb galay ayaa dhankiisa sheegay in taliyaha ciidanka Lugta ay isla gaareen is afgarad hordhac ah, islamarkaana wax walba oo dhiman la dhameystiri doono.

"Waxaan cadeynaya anigo Khaliif Idiris ah inaan heshiis nabadeed oo is afgarad ah ka qaadanay dowladda Soomaaliya, waxii dhimana aan si nabad ah ku dhameyneyno Soomaali sidaas ha ogaato" ayuu yiri Injineer Khaliif Idiris.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle oo ku aadan kulanka maanta dhexmaray wafdiga dowladda dhexe ee uu hoggaaminaayay Jenaraal Biixi ayna qeybta ka ahayeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online












Click here
1/18/2022 11:57 AM EST
Talaado, January, 18, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa u mahadceliyay xildhibaan Gavin Williamson, oo ah xildhibaanka soo jeediyay in Baarlamaanka Ingiriisku ka doodo aqoonsiga Somaliland, isla markaana daadihinaya dooda.

1/18/2022 11:41 AM EST
Talaado, Janaayo, 18, 2022 (HOL) - Qaraxaan oo ahaa mid aad u xoogan ayaa ka dhacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, waxaana jugtiisa laga maqlay qeybo ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho.

1/18/2022 10:30 AM EST
Talaado, Janaayo, 18, 2022 (HOL) - Guddiga hirgelinta dooraahada maamulka Puntland ayaa soo saaray liiska doorashada 11 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Puntland.

1/18/2022 10:22 AM EST
Talaado, January, 18, 2022 (HOL) - Afhayeenka Xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun, oo ka jawaabay wadahadalka uu Wasiirka Arrimaha Dibbada Soomaaliya, arrimaha midnimada Somaliland iyo Soomaaliya kala yeeshay Wasiirka Arrimaha Afrika ee Ingiriiska, ayaa ugu usoo jeediyay in uu ka shaqeeyo nabadaynta Soomaaliya.

1/18/2022 9:55 AM EST
Talaado, January, 18, 2022 (HOL) - Wasiirka Maaliyada Itoobiya Axmed Shide iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha Siyaasada ee Wasaarada Arrimaha Dibadda Ridwan Xuseen, ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo waftigii uu hogaaminayay kusoo dhaweeyey madaarka Bole ee caasimada Addisababa.

1/18/2022 8:36 AM EST
Talaado, January, 18, 2022 (HOL) - Xildhibaannada kala ah Stephen Doughty, Tom Tugendhat iyo Zac Goldsmith oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska, James Carver oo ah siyaasi hore uga tirsanaa Baarlamaanka Yurub iyo ururka waddamada aan la aqoonsan ee loo soo gaabiyo UNPO, ayaa soo dhaweeyay dooda uu Baarlamaanka Ingiriisku ka yeelanayo aqoonsiga Somaliland.

1/18/2022 7:24 AM EST
Talaado, Janaayo, 18, 2022 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Afrika ee Boqortooyada Ingiriiska (UK), Marwo Vicky Ford.

1/18/2022 6:16 AM EST
Talaado, Janaayo, 18, 2022 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Kumaandooska Danab ayaa howlgalo qorsheysan waxay ka fuliyeen deegaanada Mubaarak iyo Daarusalaam oo ka tirsan gobolka Sh/hoose.

1/18/2022 3:21 AM EST
Talaado, Janaayo, 18, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa safar shaqo ugu ambo baxay dalka Itoobiya, kadib marti qaad rasmi ah oo uu ka helay Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed Cali.

1/18/2022 2:02 AM EST
Talaado, Janaayo, 18, 2022 (HOL) - Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka dalka ayaa shaaciyay magacyada xubnaha ka shaqeyn doono qabashada doorashada guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo la filayo in dhawaan lagu doorto Muqdisho.

1/18/2022 1:56 AM EST
Talaado, Janaayo, 18, 2022 (HOL) - 15 qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab ayaa lagu dilay deegaanka Bodhei ee kaynta Boni, sida ay sheegtay dowladda Kenya.

1/18/2022 1:04 AM EST
Talaado, Janaayo, 18, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerar duqayn ah oo shalay lagu weeraray magaalada Dubai ee xarunta ganacsiga dalka Imaaraatka.