4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 18, 2022
Madaxweynaha Somaliland oo safar ugu ambo baxay dalka Itoobiya
 

Talaado, Janaayo, 18, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa safar shaqo ugu ambo baxay dalka Itoobiya, kadib marti qaad rasmi ah oo uu ka helay Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed Cali.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sheegay in labada hogaamiye ee Itoobiya iyo Somaliland ay ka wada hadli doonaan arrimo la xidhiidha danaha la bada dhinac.

Madaxweynaha ayaa waxaa safarka ku wehelinaya Wasiirka Horumarinta Maaliyadda D.R Sacad Cali Shirre, waxaana magaalada Addisababa ku sugaya oo waftiga kaga biiri doona wasiirada maaliyada iyo jidadka iyo ergeyaga Somaliland u qaabilsan wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya D.R Adna Aadan Ismaaciil.

Lama yaqaano sababta saxda ah ee xiligan keentay safarka madaxweyne Biixi. Dadka falanqeeya arrimaha siyaasada ayaa sheega in uu hoos u dhacay xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya tan iyo markii talada Itoobiya uu la wareegay raysal wasaare Abiye Axmed.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]