4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 18, 2022
Guddiga qabashada doorashada guddoomiyaha cusub ee Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka oo la magacaabay
 

Talaado, Janaayo, 18, 2022 (HOL) - Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka dalka ayaa shaaciyay magacyada xubnaha ka shaqeyn doono qabashada doorashada guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo la filayo in dhawaan lagu doorto Muqdisho.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Guddiga uu ku saxiixan yahay sii hayaha xilka guddoomiyaha guddiga xalinta Khilaafaadka ahna guddoomiye ku xigeenka guddigaas ayaa lagu magacaabay 5 xubnood oo la sheegay iney ka shaqeyn doonaan qabashada doorashada guddoomiyaha cusub ee guddiga oo la filayo iney dhawaan qabsoonto.

Maalmo kooban ka hor ayay aheyd markii guddiga doorashooyinka heer Fedaraal ay magaalada Muqdisho ku doorteen guddoomiyaha cusub ee guddigaas, kadib markii xilka qaadis ay ku sameeyeen xubnaha guddiga doorashooyinka FEIT guddoomiyahii hore Maxamed Xasan Cirro oo ay ku eedeeyeen inuu ku dhex milmay siyaasadda.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online