4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 17, 2022
Midowga Yurub oo walaac ka muijiyay mustaqbalka howlgallada ka dhanka ah burcad badeedda Soomaaliya
 

Isniin, Janaayo, 17, 2022 (HOL) - Midowga Yurub ayaa walaac ka muujiyay mustaqbalka howlgallada ka dhanka ah burcadbadeedda ee xeebaha Soomaaliya, xilli ay muddo kooban ka harsan tahay waajibaadka howlgalka la dagaalanka burcad badeedda.

Bishii hore, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxay u codeeyeen in dhammaan howlgallada ciidamada badda ee caalamiga ah lagu kordhiyo saddex bilood oo dheeri ah.

Kuwaas waxaa ka mid ah Hawlgalka Atalanta, oo sidoo kale loo yaqaan EU NAVFOR Soomaaliya, Ciidanka Wadajirka ah ee Geeska Afrika ee uu hoggaamiyo Maraykanku, iyo Hawlgalka NATO ee Badweynta Shield.

Saraakiisha Midowga Yurub waxay rumaysan yihiin in saddexda bilood ee la kordhiyey aanay ku filnayn xasilloonida gobolka. Waxayna sheegeen dowladda Soomaaliya in aysan ka go’neyn sii wadida howlgallada caalamiga ah ee ciidamada badda.

Midowga Yurub wuxuu ku doodayaa in haddii la kordhin waajibaadka howlgalka ilaalada badda Soomaaliya, ay wiiqi doonto awoodda EU NAVFOR ee hawlaha la dagaallanka burcad-badeedda ee gobolka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online