4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 16, 2022
Labo qarax oo caawa ka dhacay magaalada Bosaso

Axad, Janaayo, 16, 2022 (HOL) - Labo qarax oo ah bombada gacanta laga tuuro ayaa caawa lagu tuuray baro kantarool oo ciidanka Puntland ay ku baarayeen dadka iyo gaadiidka.

Ilaa iyo hadda lama sheegin wax khasaare ah oo dhimasho iyo dhaawaca oo ciidanka gaaray, hase ahaatee waxaa lasoo sheegayaa inuu jiro dhaawac dad shacab ah kasoo gaaray qaraxa hore.

Qaraxa labaad oo dhacay goor dhowayd waxaa lasoo sheegayaa inuu ka dhacay meesha uu qaraxii hore ka shacay, lama oga khasaaraha ka dhashay weli.

Laamaha amniga ayaa galay feejignaan dheeraad ah, iyadoo magaaladu ay ka jirto xiisad colaadeed oo ka dhalatay xil ka qaadistii agaasimihii hore ee hay'adda PSF, taasoo aan weli wax xal ah laga gaarin. 

Magaalada Bosaso oo in muddo ah ka nasatay qaraxyada kadib wixii ka dambeeyay weerarkii xabsiga Boosaaso, ayaa qaraxyadan waxay kusoo aadeen xilli kala qeybsanaan ka dhex jirto ciidamada.

Magaalada ayaa amnigeedu faraha ka baxay markii bishii hore uu ka dhacay dagaal labo maalin socday oo dhaliyay dhimasho, dhaawac, burbur iyo barakac.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online