4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 16, 2022
Abuukar Baalle: Soomaaliya waxay 4tii sano ee tagtay si joogto ah u bixinaysay qaaraanka Qaramada Midoobay
 

Axad, Janaayo, 16, 2022 (HOL) - Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Cusmaan Baalle ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya afartii sano ee lasoo dhaafay ay si joogto ah u bixinaysay lacagta qaaraanka QM.

Abuukar Baalle ayaa sheegay in dowladdu wado dadaal ku saabsan sidii loo bixin lahaa lacago isku tag tagay oo ka badan hal milyan oo dollar oo Soomaaliya aysan bixin intii u dhaxaysay 1989 illaa 2017.

Safiirka wuxuu sheegay lacagaha lagu leeyahay Soomaaliya in aanay ka hor istaagin dadaalka ay ugu jiraan in ay Soomaaliya xubin ka noqoto golayaasha sare ee  Qaramada Midoobay.

Baalle, wuxuu sheegay Soomaaliya in ay hadda cod fiican ku leedahay golaha UNka, ayna xubin ka tahay guddiyada fulinta ee hayaddaha Qaramada Midoobay ee kala ah, UNDP, Unwomen, UNFPA , iyo UNOPS.

Wuxuu sheegay sannadkii hore in ay Soomaaliya 60 sano kadib ku guulaysatay in ay in ay noqoto madaxweyne ku xigeenka Qaramada Midoobay.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online