6/4/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 14, 2022
Dowladda Soomaaliya oo xallisay caqabad haysatay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Suudaan

Jimco, Janaayo, 14, 2022 (HOL) - Wasaaradda arrimaha dibaddaa Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Suudaan laga dhaafo lacagta degenaanshaha, lacagta ganaaxa iyo lacagta kaararka shaqada.

Go’aankan oo dhaqan galay 10 casho ka hor, ayaa ku yimid iskaashiga iyo xiriirka Soomaaliya kala dhaxeeysa Suudaan, taas oo ay Labada Dowladood isla garteen in muwaadiniintooda ku kala sugan Labada Dal ay ugu adeegaan si siman, iyada oo laga cafinayo dhammaan kharashaadkaas.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah  waxa ay uga mahadcelisay Dowladda Suudaan garab istaagga ay u muujiso dowladda Soomaaliya iyo fursaddan oo ay ka faa’iideysan doonaan Soomaalida ku dalkaas.

Ku dhowaad 7 kun oo arday ah iyo 300 oo qoys oo Soomaali ah ayaa ku dhaqan dalka Suudaan, kuwaas oo ay horey caqabad weyn uga heysatay marka ay ka dhacaan dukementiyada ay ku joogaan dalkaas.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
1/14/2022 12:15 PM EST
Jimco, Janaayo, 14, 2022 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Jigjiga lasoo gaarsiiyay deeq raashin ah, oo loogu talagalay shacabka ay abaaruhu saameeyeen ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

1/14/2022 7:42 AM EST
Jimco, Janaayo, 14, 2022 (HOL) - Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamed ayaa sheegay in Soomaaliya ay diiday deeq daawo ah oo uga imaan lahayd Masar, sababo la xiriira xiriirka Itoobiya awgii.

1/14/2022 4:52 AM EST
Jimco, Janaayo, 14, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa soo dhoweeyay shir-madaxeedka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhawaan heshiiska looga gaaray dhameystirka doorashada.

1/14/2022 1:00 AM EST
Jimco, Janaayo, 14, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in berrito oo sabti ah ay dib u billaaban doonaan doorashooyinka golaha shacabka.

1/14/2022 12:40 AM EST
Jimco, Janaayo, 14, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciidi Deni ayaa guddoomiye cusub u magacaabay gobolka Bari oo maalmahaan ay ka jiraan xasarado ka dhashay xil ka qaadistii lagu sameeyay agaasimihii hay'adda PSF.

1/14/2022 12:38 AM EST
Jimco, Janaayo, 14, 2022 (HOL) - Dowladda Germany ayaa diiday caddeymaha aqoonsiga Soomaalinimada wixii ka dambeeyay 1991, markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaaliya.