4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 12, 2022
Faahfaahino dheeraad ah oo kasoo baxaya Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho
 

Arbaco, Janaayo, 12, 2022 (HOL) - Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay wadada 21-ka Oktoobar agagaarka xerada Afisyooni degmada Waabari ee magaalada Muqdisho.

Qaraxaan oo ahaa mid loo adeegaaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana lala eegtay kolanyo gaadiid ah oo ay la socdeen Saraakiil ka tirsan xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Qaraxa ayaa geystay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah oo goobta ka agdhawaa iyo qaar ka mid ab askartii la socotay kolanyada qaraxa Ismiidaaminta ah lala eegtay.

Xogta rasmiga ah ee khasaaraha dhimashada weerarka Ismiidaaminta ee maanta dhacay oo ay heshay Shabakadda HOL ayaa sheegaysa in qaraxa ay ku dhinteen ilaa sagaal ruux oo isugu jira askar iyo dad shacab ah, islamarkaana uu dhaawaca intaasi ka badan yahay, waxaana jiray burbur xoogan oo gaaray guryahii halkaa ka agdhawaa iyo gaadiid farabadan oo ku gubtay qaraxa maanta.

Dhinaca kale Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarka Ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, waxayna sheegeen in qaraxaasi ay la beegaadeen kolanyo gaadiid ah oo ay wateen Saraakiil cadaan ah.

Al-shabaab ayaa bartooda Internetka ku sheegtay in mid ka mid ah gaadiidkii ay wateen Saraakiisha cadaanka ah qaraxa uu ku burburay islamarkaana waxyeelo xoogan ay gaarsiyeen, inkastoo aysan tilmaamin inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha rasmiga ah ee dhimashada.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka dowladda Soomaaliya oo ku aadan qaraxa Ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online