4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 12, 2022
Dowladda Soomaaliya oo saakay dalka kusoo celisay ku dhowaad 100 dhallinyaro ah oo ku xirnaa Libya

Arbaco, Janaayo, 12, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa saakay dalka dib ugusoo celisay 97 dhallinyaro ah oo muddo sanado ah ku xirnaa xabsiyo kuyaalla dalka Libya.

Dhallinyaradan oo tahriibayaal ahaa ayaa dhibaatooyin badan kala kulmay intii ay ku jireen xabsiyada dalka Libya, waxayna sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin in lagusoo celiyo dalkooda.

Wasiika arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdi Siciid Muuse oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhallinyaradan sii dayntooda ay ku timid kadib markii madaxweyne Farmaajo uu dhawaan dalka Turkiga kula kulmay madaxweynaha dalka Libya.

Wasiirku wuxuu sheegay in madaxweyne Farmaajo in uu kala hadlay madaxweynaha Libya in lagusoo wareejiyo muwaadiniinta Soomaliyeed ee ku xiran xabsiyada dalkaas.

" Dowladda federalku waxay dadaal badan galisay in maxaabiista meelo badan caalamka kamid ah ku jira iyo dad ku dhibban waddamada ay joogaan, dib ugusoo celiso dalkooda," ayuu yiri wasiirku.

Afartii sano ee lasoo dhaafay dowladda Soomaaliya ayaa maxaabiistii ugu badnaa dalka dib ugusoo celisay, kuwaas oo intooda badan ahaa tahriibayaal si sharci darro ah ku galay dalalka lagu xiray.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online