4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 10, 2022
Xisbiga Waddani oo ka hadlay faragalin ay xukuumadu ku samaysay shir ay la la haayeen qaybo kamid ah bulshada Burco

Isniin, January, 10, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan,  ayaa cambaareeyay isku day uu maamulka gobolka Togdheer ku doonayay in ay ku joojiyo, shir madaxda xisbigu ay la lahaayeen qaybo kamid ah bulshada reer Burco.

Xirsi ayaa sheegay in eeda isku dayga joojinta shirka anay lahayn, maamulka gobolka Togdheer iyo ciidanka booliiska midna, lakin ay amarka soo bixiyeen madaxda sarre ee Somaliland.

"Waxa nala yidhi maxaad ula shiraysaan mushkiladu maaha inanka badhasaabka ah, ciidanka booliiskana maaha, qolo Hargaysa joogta ayaa dabada ka wada, oo ka xanaaqsan qoladii shalay Kulmiye taageeraysay ee caqligooda badalay ee aad ka mid tihiin" ayuu yidhi Xirsi.

Xirsi waxa uu sheegay in shacabka aan la qasbi karin, isla markaana ay la shiri karaan cidii ay doonaan "Dadka la qasbi maayee idinkuna haku ceeboobina idinkuna ha cabudhinina".

Afhayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Buuni, oo isna xagiisa ka jawaabay hadalka Xirsi, waraysi uu siiyay BBC Somali, ayaa sheegay in ay sharci daro tahay in xisbiyadu banaanbaxyo qabsadaan kahor ollolaha doorashada.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]