3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 10, 2022
Askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo maanta lagu fuliyay xukun toogasho ah

Isniin, Janaayo, 10, 2022 (HOL) - Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida qeybta 27-aad ayaa maanta xukun dil toogasho ah waxay ku fulisay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya, kaasoo horay ugu dilay qof shacab ahaa degmada Luuqa ee gobolka Gedo.

Askariga dilka toogashada lagu fuliyay maanta ayaa lagu magacaabi jiray Xuseen Maxamuud Xasan oo loo yaqiinay Dhafoor, kaasoo la sheegay inuu horay u dilay marxuum Sugow Gaarane oo ahaa wade mooto Bajaaj.

Goobta fagaaraha aheyd ee dilka toogashada lagula fuliyay askariga horay dilka ugu geystay qofka shacabka ahaa ayaa waxaa ku wada sugnaa ehelada labada dhinac iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Qalabka Sida iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka gobolka iyo kan degmada.

Dilka askarigaan ayaa imaanaya xili bishii lasoo dhaafay degmada Baled Xaawo sidaan oo kale dil toogasho ah loogu fuliyay askari ka tirsanaa ciidanka Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed, kaasoo isna si ula kac aheyd u dilay laba wiil oo dhalinyaro ahaa oo ciyaar ka daawanaayay garoon lagu cayaaro Kubadda Cagta.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online












Click here
1/10/2022 3:03 PM EST
Isniin, January, 10, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa cambaareeyay isku day uu maamulka gobolka Togdheer ku doonayay in ay ku joojiyo, shir madaxda xisbigu ay la lahaayeen qaybo kamid ah bulshada reer Burco.

1/10/2022 6:49 AM EST
Isniin, Janaayo, 10, 2022 (HOL) - Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay in golaha wadatashiga qaran ay heshiis ku gaareen hannaanka doorashada iyo dardar gelinta doorashada Golaha Shacabka.

1/10/2022 1:57 AM EST
Isniin, Janaayo, 10, 2022 (HOL) - Ciidamada Booliiska Puntland ayaa sheegay inay gacanta kusoo dhigeen dadkii ka dambeeyay dil xalay magaalada Garowe loogu geystay wiil dhalinyaro ah oo katirsanaa shaqaalaha dowladda hoose ee Garowe.

1/10/2022 12:45 AM EST
Isniin, Janaayo, 10, 2022 (HOL) - Guddi nabadayn ah oo Puntland u xilsaartay colaadda Saaxmaygaag iyo Sange jebiye ayaa ku guulaystay in ay kala qaadaan labadii maleyshiyo beeleedkii ee isku horfadhiyay deegaannadii dhowaan lagu dagaalamay.

1/10/2022 12:40 AM EST
Isniin, Janaayo, 10, 2022 (HOL) - Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, oo waraysi siiyay HCTV, ayaa sheegay in furista ururrada siyaasadu ay tahay arrin qaanuuni ah oo aan la dhaafi karin.

1/10/2022 12:31 AM EST
Isniin, Janaayo, 10, 2022 (HOL) - Golaha Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen waxa ay kusoo dhaweeyeen War murtiyeedkii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee Shalay galinkii dambe lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

1/10/2022 12:26 AM EST
Isniin, Janaayo, 10, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa laga helaya dagaal xoogan oo khasaare badan dhaliyay oo Al-shabaab iyo ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ku dhexmaray deegaanka lagu magacaabo Cadakibir.