4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 10, 2022
Midowga Musharaxiinta oo war kasoo saaray War murtiyeedkii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran

Isniin, Janaayo, 10, 2022 (HOL) - Golaha Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen waxa ay kusoo dhaweeyeen War murtiyeedkii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Shalay galinkii dambe lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

Qoraalka kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa lagu sheegay iney bogaadinayaan tixgalinta la siiyay talaabooyinka ku aadana sixitaanka habraaca doorashada dalka iyo in Goluhu adkeynayo in raysal wasaaraga iyo golaha wasiiradda ay si buuxdo masuul uga yihiin amniga dalka, islamarkaana madaxweynahii hore uu ku ekaado musharaxnimadiisa.

"Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu bogaadinayaa tixgelinta la siiyey talooyinkii uu soo jeediyey ee ku aaddanaa sixitaanka habraaca doorashooyinka. Goluhu wuxuu adkaynayaa in Raysalwasaaraha iyo golaha wasiirada ay si buuxda masuul uga yihiin amniga dalka, madaxweynihii horena uu ku ekaado murashaxnimadiisa" ayaa lagu yiri qoraalka Musharaxiinta kasoo baxay.

Hoos ka akhriso qoraalka kasoo baxay Musharaxiinta oo dhameystiran.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online