4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 1 , 2022
Wasaaradda Amniga Soomaaliya oo amartay Taliyaha NISA in ciidanka Nabadsugida ka saaro garoonka Aadan Cadde

Sabti, January, 1, 2022 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa ku amray taliyaha ku meel gaarka ah ee hay'adda Nabadsugida Qaranka Yaasiin Fareey wixii maanta ka dambeeya ineysan ka shaqeyn karin garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Wasiirka ayaa sidoo kale faray taliska Nisa in ciidanka uu kasoo saaro garoonka, islamarkaana amniga guud ee garoonka inuu ku wareejiyo ciidanka Booliiska Soomaaliya.

"Waxaa la faraya ku simaha hay'adda NISA inuu ku wareejiyo dhammaan masuuliyadda amni ee ay hore gacanta ugu hayeen ciidamada NISA si buuxda ciidanka Booliska, dibna ula soo laabto dhammaan taliska iyo ciidanka ka howlgala gudaha garoonka, mana jiro wax ciidan NISA ah oo ka howlgalaya ama hub la gali kara gudaha garoonka marka laga reebo ciidamada ku sugan xarunta rasmiga ah ee ay ku leeyihiin ciidanka Waran iyo Gaashaan ee gudaha Garoonka" ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Amniga.

Warka kasoo baxay Xafiiska wasiirka Amniga ayaa sidoo kale lagu sheegay in cabasho badan laga keenay ciidanka NISA ee ka howgala gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Hoos ka akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Amniga.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online