4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 7 , 2022
Axmed Safiina "Mushaar aan qaadano waxaa inoogu dambeysay bishii Oktoobar ee sanadkii dhamaaday"

Isniin, Febraayo, 7, 2022 (HOL) - Afhayeenka guddiga doorashooyinka dalka Axmed Safiina oo wareysi dhinacyo badan taabanaayay siiyay BBC-da ayaa sheegay in mudo sadax bilood ah aysan qaadan wax Mushaar ah, islamarkaana guddiga ay soo food saartay dhaqaale yari baahsan.

Waxuu sidoo kale sheegay Afhayeen Safiina in dhaqaalaha doorashada loo dejiyay iney aheyd in ka badan labaatan iyo lix Milan oo doolar, hayeeshee todobo Milyan oo ka mid ah ku deeqeen Beesha Caalamka, isagoona xusay in sidoo kale ay jirtay dhaqaalo ka imaanayay Misharaxiinta Xildhibaanada oo haatan gabaagbsi ah.

"Mushaaradka aan qaadaneyaay waxaa inoogu dambeysay bishii Oktoobar ee sanadkii dhamaaday ee 2021-ka, mudo aadax bilood ah guddiyada doorashada ma qaadan wax Mushaar ah, wali waxan u taaganahay dhameyatirka howlaha doorashooyinka oo waa la iska heli doona dhaqaalaha inaga maqan" ayuu yiri Afhayeenka guddiga doorashooyinka dalka Axmed Safiina.

Waxuu intaasi kusii daray Axmed Safiina in Beesha Caalamka ay shuruud ku xirtay bixinta dhaqaalaha doorashada in la qabto sadex meelood laba meel doorashada iyo in la dhameystiro Qoondada Haweenka ee Baarlamaanka oo uu tilmaamay ineysan wali gaarin sharuudaasi la hordhigay.

Hadalkaan kasoo yeeray Afhayeenka guddiga doorashooyinka dalka ayaa imaanaya xili guddiyada doorashada dalka ay si dardar leh ku wadaan howlaha doorashooyinka dalka oo lagu wado in lagu soo gabagabeeyo 25-ka bishaan Febraayo.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online