4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 7 , 2022
Puntland oo amartay in lasoo xiro shakhsiyaad lagu eedeeyay in ay qamriga soo galiyaan Garowe
 

Isniin, Febraayo, 7, 2022 (HOL) - Puntland ayaa soo saartay amar lagusoo xirayo shakhsiyaad lagu eedeeyay in ay ka ganacsadaan maandooriyaha, kuwaas oo qeybtood horey u ahaa askar laga ruqseeyay ciiddanka booliiska Puntland.

Taliyaha ciiddanka booliiska goboka Nugaal, gaashaanle sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa magacyada saddex kamid ah shakhsiyaadkan lasoo xirayo, ka sheegay kulan looga hadlayay la dagaalanka maandooriyaha iyo xoojinta amniga Garowe.

Ragga waaranka loosoo jaray ayaa lagu eedeeyay in ay qeyb ka ahaayeen shaqaaqo is rasaasayn ah oo habeeno ka hor Garowe ku dhex martay ciiddanka booliiska iyo koox qamri ka ganacsanaysay.

Nabadoonada iyo waxgaradka gobolka Nugaal ayaa ku taageeray laamaha amniga in ay tallaabo ka qaadaan cid kasta oo ku lug leh amni xumada iyo maandooriyaha

Islaan Ciise Islaan Maxamed oo kamid ah Isimada Puntland ayaa ciidamada amniga u sheegay in aan cidna looga haybaysan in tallaabo laga qaado dadka caadaystay in ay magaalada Garowe soo galiyaan qamriga, kaasoo uu sheegay inuu magaalada ka abuuray amni xumo.

Garowe ayaa kamid ah magaaloyinka uu faraha kulul ku hayo Qamrigu, kaasoo dhinaca Ethiopia lagasoo galiyo, waxaana marar gacanta lagu dhigay gaadiid qamri siday, balse laguma guulaysan in laga gaaro.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online