4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 7 , 2022
Kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo Maanta lagu doortay Magaalada Jowhar

Isniin, Febraayo, 7, 2022 (HOL) - Waxaa goordhaw magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe kusoo gabagaboobay doorashada laba kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Jowhar, kuwaas oo ka mid noqonaya Baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Kursiga koowaad ee doorashada Maanta ka dhacday Jowhar oo sumadiisu yahay Hop 70, waxaa ku tartamay Musharaxiinta kala ah Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh iyo Maxamud Cali Bariise waxaana ku guuleystay kursiga Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh oo helay 71 cod, halka Musharax Maxamud Cali Bariise uu helay 14 cod, waxaana halaabay 13 cod, iyadoo ergada codeyneysay ay ahayeen 98 ruux.

Kursiga labaad ee doorashada Maanta ka dhacday Jowhar oo tirsigiisu yahay HOP 115, waxaa kusoo baxay Cali Maxamed Cumar, kadib markii ay tanaasushay Musharaxadii la tartami lahey oo ah Mulki Cabdullaahi Islaaw, waxaana si gacan taag ah loogu codeeyay Cali Maxamed Cumar oo helay 86 cod, waxaana ka aamusay hal ruux, iyadoo ergada xaadorka aheyd ay tiradoodu aheyd 87.

Kuraastaan Maanta lagu qabtay doorashadooda magaalada Jowhar ayaa ka mid ah kuraas horay loogu qabtay Jowhar waxaa la filaya in dhawaan kuraasta taala jowhar lasoo gabagabeeyo doorashadooda.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online