4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 7 , 2022
Guddiga Hirgelinta Doorashada Gobolada Waqooyi oo shaaciyay jadwalka doorashada 5 kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka

Isniin, Febraayo, 7, 2022 (HOL) - Guddiga maamulaya doorashada kuraasta gobolada Waqooyi ee Soomaaliland ayaa shaaciyay jadwalka doorashada 5 kusri oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay gobolada Waqooyi.

Kuraasta ay shaaciyeen guddiga doorashada gobolada waqooyi ayaa sumadoodu kala tahay HOP 241, HOP 263, HOP 240, HOP 271, HOP 205, kuwaas oo doorashadoodu ay dhici doonto 10- ka bishan Febraayo oo ku beegan Khamiista soo socota.

Guddiga dooraahada gobolada Waqooyi ee Soomaaliland ayaa ka mid ah guddiyada sida dardarta leh kuwada howlaha qabashada doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka Soomaaliya.

Hoos ka akhriso jadwalka doorashada 5 kursi ee gobolada Waqooyi.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online