4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 7 , 2022
Midowga Afrika oo soo magacaabay ku xigeenka wakiilka Soomaaliya kadib cayrintii Simon Molunga
 

Isniin, Febraayo, 7, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha midowga Afrika ayaa Marwo Fiona Lortan u magacaabay inay noqoto ku xigeenka wakiilka midowga Aftika ee Soomaaliya .

Haweenaydan ayaa la sheegay in ay si weyn uga qayb qaadan doonto ballanqaadka midowga Afrika ee xaqiijinta qorshaha kala-guurka ee AMISOM iyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika si loo helo xasillooni waarta iyo amni ka dhasha Soomaaliya.

Midowga Afrika ayaa shirkooda uga socda magaalada Addis Ababa ku taageeray kuna soo dhoweeyay isbeddelka lagu sameynayo howlgalka AMISOM.

Haweenaydan ayaa lagu beddelay Simon Malungo oo ahaa ku xigeenkii hore wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya, kaas oo Soomaaliya laga cayriyay kadib markii lagu eedeeyay inuu dambiyo ka geystay dalka.

Arrimaha lagu eedeeyay waxaa kamid ah, inuu isku dayay inuu marin habaabiyo baaritaanka dadkii Soomaaliyeed ee ciiddamada AMISOM ku xasuuqeen tuulada Golweyn ee gobolka Shabeellada hoose.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online