4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 7 , 2022
Dowladda UK oo ku dhawaaqday taageere dhaqaale oo wax looga qabanayo saamaynta abaaraha Soomaaliya

Isniin, Febraayo, 7, 2022 (HOL) - Ergeyga Gaarka ah ee UK u qaabilsan Kahortagga Macluusha iyo Arrimaha Bini'aadantinimada, Nick Dyer, ayaa booqday Soomaaliya usbuucan si uu ugu baaqo dadaal wadajir ah oo looga hortagayo malaayiin qof oo Soomaaliyeed oo naftooda ku waayi kara khatarta macluusha abaaraha.

Intii uu ku sugnaa Soomaaliya, Mr Dyer wuxuu ku dhawaaqay taageero dhaqaale oo dhan $8 milyan (£5.5 milyan) si wax looga qabto saameynta abaarta.

Dhaqaalahan waxaa sii dheer $10 milyan oo kale oo ay ku dhawaaqday Wasiirka UK u qaabilsan arrimaha Afrika, Vicky Ford, bishii janaayo Janaayo 2022,  iyadoo ku sugnayd dalka Kenya.

Taageeradan dhaqaale  ayaa lagu maarayn doonaa bixinta lacag caddaan ah oo lagu gado sahay cunto oo degdeg ah iyo biyo la siiyo qoysaska aadka unugul ee Soomaaliya oo dhan ku nool.

Ergeyga Gaarka ah ayaa intii uu ku sugnaa Soomaaliya waxa uu kulamo la qaatay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Maxamed C/casiis Xasan Lafta-gareen, kuwaas oo deegaannadooda ay ka jiraan abaaraha ugu daran.

Mr Dyer ayaa sidoo kale kulamo la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, iyagoo ka wada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa baahiyaha bini’aadantinimo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online