4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 6 , 2022
Madaxweynaha Hirshabeelle oo balan qaaday inuu xalinayo tabashada reer Hiiraan
 

Axad, Febraayo, 6, 2022 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuuseen oo Maanta si xoog ah lagu geeyay magaalada Baledweyne oo ka hadlaayay munaasabad soo dhaweyn ah oo loogu sameey gudaha magaalada Baledweyne ayaa ka hadlay tabashada maamulkiisa ay ka qabaan shacabka reer Hiiraan oo mudo hal sano ah u diidana inuu tago Baledweyne.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa sheegay inuu diyaar u yahay xalinta tabashada laga qabo dhismaha maamulkiisa, isagoona balan qaaday inuu soo afjari doono wax walba oo tabasho ah oo laga qabo maamulkiisa mid deegaan, mid Qabiil iyo qoys intana waa sida uu hadalka u dhigaye.

"Waxaan Alle hortiisa ka balan qaadayaa in aan si Cadaalad u hoggaamiyo dadka reer Hirshabeelle,  Baledweyne doorasho ayaa ka dhaceysa, kumanaan qofna waa imaanayaan, waxaa dadka Magaalada laga rabaa soo dhaweyn, martigelin iyo amni sugid, waxaana balan qaadayaa in doorasho daah furan oo Cadaalad ay ka dhici doonto Baledweyne iyo Jowhar” ayuu yiri Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa sidoo kale sheegay in masuuliyadda ay meerto tahay marba qof uu qabanayo, islamarkaana ay muhiim tahay in fursad lasiiyo ruuxa masuuliyada haayo, waxuuna sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay in maanta lagu soo dhaweeyo Baledweyne, isagoona u mahad celiyay cid walba oo ka qeyb qaadatay inuu tago magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online