4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 6 , 2022
Madaxweyne Farmaajo oo midowga Afrika u sheegay in dowladdiisu diyaar u tahay la wareegista amniga dalka
 

Axad, Febraayo, 6, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladdiisu guulo ka gaartay dagaalka Al-Shabaab, xilli uu khudbad ka jeedinayay shir madaxeedka Midowga Afrika ee ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay in dalalka Midowga Afrika ay talaabo mideysan ka qaadaan kooxda iyo shabakadaha kale ee ka dagaalama qaaradda.

"Alshabaab waxa ay cadow ku tahay xasilloonida Qaaradda Afrika. Qorsheyaasha Golaha Nabadda iyo Ammaanku waa in ay noqdaan kuwo midaynaya dhammaan dadaallada iyo cududda aan kaga hortegayno dhibaatada argagixisada,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Khudbadiisa ayuu ku sheegay in dowladiisa ay diyaar u tahay inay si buuxda mas’uuliyadda amniga dalka kala wareegto ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika, isla markaana ay dhaqangeliso qodobadii ay dhawaan la saxiixdeen Midowga Afrika ee qorshaha kala guurka ah.

Dhinaca kale, sabtidii shalay, Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmay dhiggiisa Itoobiya Abiy Axmed iyagoo ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee labada dowladood, sida uu sheegay xafiiskiisa warbaahinta.

Shirka oo maalintiisii labaad galay, waxaa Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisu ay kulan-doceedyo la qaadan doonaan dhiggooda Qaaradda iyo Madaxda kale ee ka soo qeyb-galay Meertadan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online