4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 6 , 2022
Faahfaahin: weerar madaafiic ah oo goordhaw lagu qaaday garoonka Baledweyne iyo dagaal daba socday
 

Axad, Febraayo, 6, 2022 (HOL) - Ciidamada Golaha Kacdoonka Hiiraan ee kasoo horjeeda imaashaha Cali Guudlaawe ee magaalada Baledweyne ayaa weerar loo adeegaaday madaafiic ah waxay ku qaadeen garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baledweyne oo wararku sheegayaan in Maanta uu ka dagayo madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe.

Weerarka madaafiicda loo adeegsaday ee lagu qaaday garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne ayaa la sheegay in ciidamada Jabuuti oo gacanta ku haya amaanka garoonka ay ka jawaab celiyeen madaafiicda lagu weeraray garoonka diyaaradaha Baledweyne.

Weerarka kadib waxaa sidoo kale dhacay dagaal mudo kooban socday oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kaasoo dhexmaray ciidamada Kacdoonka Hiiraan iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo isugu jira Gorgor Haramcad iyo Militariga gobolka Hiiraan.

Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka madaafiicda iyo dagaalka daba socday ee muddada kooban ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Kacdoonka Hiiraan ee ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Baledweyne.

Madaafiicda lagu weeraray garoonka Baledweyne iyo dagaalka ka dhacay nawaaxiga garoonka ayaa imaanaya xili Maanta lagu aado in si xoog ah garoonka Baledweyne looga dajiyo madaxweyne Guudlaawe, iyadoo magaaladuna ay tahay mid kala xiran oo aanan jirin wax dhaqdhaqaaq dadweyne iyo mid ganacsi, Waxbarasho iyo caafimaad intaba.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa mudo sanad ah mar walba waxa uu isku dayayay inuu si awood ah ku tago Baledweyne, waxaasa taasi fashiliya ciidamo hubeysan oo diidan imaashahiisa iyo shacab kasoo wada horjeeda jiritaanka dhismaha labaad ee Hirshabeelle.

Lasoco waxii kusoo kordha xaalada Baledweyne oo cakiran

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online