6/3/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 6 , 2022
Xaliimo Gobaad oo ku dhawaaqday inay isaga baxday fanka iyo suugaanta
 

Axad, Febraayo, 6, 2022 (HOL) - Fanaanadii caanka ahayd ee Soomaaliyeed Xaliimo Maxamed Axmed (Xaliimo Gobaad) ayaa si rasmi ah u shaacisay inay isaga baxday guud ahaan arrimaha fanka.

Xaliimo Gobaad ayaa qoraal rasmi ah oo ay kusoo daabacday facebook-geeda waxay ku sheegtay in ay si rasmi ah uga baxday fanka. kadib muddo dheer oo ay kusoo jirtay.

“Waxaan go'aan saday in aan iska joojiyo fanka taageerayaasheyda sharafta badan waxaan idiinka rajeynayaa in aad qeyrka igu taageertaan Alla oo Raali iga Noqda ayaa muhiim ah," ayay tiri Xaliimo Gobaad.

Gobaad oo kamid ahayd fanaaiinta aad loogu jeclaa fankeeda, islamarkaana qaaday heeso badan oo Soomaali ah, waxay sheegtay inay ilaaheey dartiis uga baxday fanka.

Ka bixitaankeeda fanka ayaa kusoo aadaya maalmo kadib markii ay shaacisay guurkeeda cusub.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
2/6/2022 10:38 AM EST
Axad, Febraayo, 6, 2022 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuuseen oo Maanta si xoog ah lagu geeyay magaalada Baledweyne oo ka hadlaayay munaasabad soo dhaweyn ah oo loogu sameey gudaha magaalada Baledweyne ayaa ka hadlay tabashada maamulkiisa ay ka qabaan shacabka reer Hiiraan oo mudo hal sano ah u diidana inuu tago Baledweyne.

2/6/2022 4:34 AM EST
Axad, Febraayo, 6, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladdiisu guulo ka gaartay dagaalka Al-Shabaab, xilli uu khudbad ka jeedinayay shir madaxeedka Midowga Afrika ee ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

2/6/2022 4:28 AM EST
Axad, Febraayo, 6, 2022 (HOL) - Waxaa goordhaw soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha Ugaas khaliif ee magaalada Baledweyne diyaarad uu saarana madaxweyanaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo mudo sanadka ah loo diidana inuu tago Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

2/6/2022 3:14 AM EST
Axad, Febraayo, 6, 2022 (HOL) - Ciidamada Golaha Kacdoonka Hiiraan ee kasoo horjeeda imaashaha Cali Guudlaawe ee magaalada Baledweyne ayaa weerar loo adeegaaday madaafiic ah waxay ku qaadeen garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baledweyne oo wararku sheegayaan in Maanta uu ka dagayo madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe.

2/6/2022 12:41 AM EST
Axad, Febraayo, 6, 2022 (HOL) - Iyadoo saacadii ugu dambeeyay ay isa soo tarayeen wararka ku aadan in si xoog ah Maanta lagu geynayo magaalada Baledweyne madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa waxaa arintaasi si kulul uga hadlay Korneyl Nuur Dheere oo ah hoggaaminaya ciidamada Kacdoonka ee ku sugan Baledweyne.

2/6/2022 12:13 AM EST
Axad, Febraayo, 6, 2022 (HOL) - Jeneraal Abuukar Xaaji warsame Xuud ayaa dalbaday in si degdeg ah looga saaro ciidamada gudaha loosoo galiyay magaalada Baladweyne, isagoo sheegay wixii ka dhasha inuu qaadayo madaxweynaha Hirshabeelle.

2/6/2022 12:05 AM EST
Axad, Febraayo, 6, 2022 (HOL) - 3 caruur ah oo da'doodu u dhaxayso sannad ilaa 8 sanno jir, ayaa geeriyooday, kadib markii uu dab qabsaday gurigooda oo ku yaala magaalada Borama, ee gobolka Awdal ee Somaliland.