4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 6 , 2022
Jeneraal Xuud oo kasoo horjeestay in Cali Guudlaawe uu tago Baladweyne

Axad, Febraayo, 6, 2022 (HOL) - Jeneraal Abuukar Xaaji warsame Xuud ayaa dalbaday in si degdeg ah looga saaro ciidamada gudaha loosoo galiyay magaalada Baladweyne, isagoo sheegay wixii ka dhasha inuu qaadayo madaxweynaha Hirshabeelle.

Jeneraal Xuud oo xalay warbaahinta kula hadlayay magaalada Muqdisho wuxuu kasoo horjeestay in Cali Guudlaawe uu tago magaalada Baladwene, wuxuuna beeniyay inuu jiro wax heshiis ah oo dhexmaray isaga iyo Hirshabeelle.

"Shalay waxaan diidnay Cali Guudlaawe inuu yimaado Baladweyne, maantana waan diidannahay. Wax wada hadal ah iyo wax na dhexmaray midna majirto. Sidee isagoo xaqayagii haysta uu noogu imaan karaa," ayuu yiri Jeneraal Xuud.

Jeneraal Xuud wuxuu tilmaamay go’aanka reer Hiiraan inuu yahay. in Cali Guudlaawe aanu tegin Baladweyne, haddii uu tagana uu mas'uul ka yahay wixii dhibaato ah oo halkaas ka dhaca.

"Dhibaatada caawa magaalada taalla iyo ciidamada aad kusoo deyseen ka saara, lama-galaay dib ku celiya. Haddaad wada hadal diidaan, idinkoo masuuliyiin ah, sidaad wada hadal ah ku qaadataan baa naqaanaa," ayuu yiri Jeneraal Xuud.

Hadalka Xuud ayaa kusoo aadaya iyadoo xalay magaalada Baladweyne lagusoo daadiyay ciidamo aad u fara badan, lana filayo inuu halkaas maanta gaaro madaxweynaha Hirshabeelle iyo wafdi uu hoggaaminayo.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online