4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 25, 2022
Putin "Ciidamada Ukraine waxan ka codsanayaa in ay afgambiyaan dowladooda"
 

Jimco, Febraayo, 25, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa ciidamada Ukraine ugu baaqay in ay afgambiyaan xukuumada Kiev, oo ay xukunka la wareegaan.

Putin oo warbaahinta la hadlay xili danbe oo Jimcaha maanta ah, ayaa madaxda Ukraine ku sifeeyay in ay yihiin dhashii Naasiga, ciidanka Ukraine-na waxa uu ugu  baaqay in ay afgambiyaan xukuumaada Kiev.

"Waxaanu mar kale ciidamada qalabka sida ee Ukraine ka codsanaynaa, in ayna dhasha naasiga u ogolaan, in ay caruurtiina, xaasaskiina iyo duqaydiina u isticmaalan dhufays ahaan, xukunka gacmihiina ku qabsada, kadib way fududaan doonta in aynu heshiino, halkii aanu kala hadli lahayn budhcad khamriyo cab ah, iyo dhashii Naasiga" ayuu yidhi Putin.

Waxa kale oo uu madaxda Ukraine ku eedeeyay in ay shacabka Ukraine afduub u haystaan.

Dowlada Ruushka ayaa howlgal kan ciidan ku tilmaantay mid hubka lagaga dhigayo, dowlada hada ka talisa Ukraine, oo ay ku qaniineen qorshe ay ku doonaysay in ay ugu biirto gaashaan buurta NATO.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]