4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 25, 2022
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay kasoo daad guraynayso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Ukrain
 

Jimco, Febraayo, 25, 2022 (HOL) - Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay caawinayso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Ukraine, halkaas oo ay xaalado amni ka jiraan, kadib markii uu Ruushku duulaan ku qaaday dalkaas.

War-saxaafaddeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagula taliyay dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Ukrain in ay la xiriiraan safaaradda Soomaaliya ee Brussels iyo Berlin si loogu fidiyo caawimaad degdeg ah, loogana daadgureeyo dalkaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ku howlan tahay diyaarinta waddooyinka suurtagalka ah ee lagaga daadgurayn karo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dalka Ukraine iyo bixinta adeegyadooda qunsuliyadeed ee muhiimka ah.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ugu baaqaysaa in muujiyaan feejignaan aad u sarraysa, sidoo kale na ilaashadaan dokumentiyada aqoonsigooda.,”ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Dhinaca kale 30 Qof oo Soomaali ah oo ku xirnaa wadanka Ukraine ayaa la siidaayay, sida ay xaqiijisay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online