4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 25, 2022
Ciidamada Ruushka oo galay caasimada Ukraine
 

Jimco, Febraayo, 25, 2022 (HOL) - Ugu danbayn caasimada Ukraine ee Kiev, ayaa wajahaysa dagaal xaga dhulka ah, iyadoo taangiyada ciidamada Ruushka lagu arkay qaybo kamid ah magaaladan ugu muhiimsan Ukraine.

Kaarayaasha Ruushka ayaa caasimada kasoo galay jihooyinka waqooyi bari iyo waqooyi galbeed, sida ay ku warantay CBC News. Wakaalada wararka ee AFP, ayaa iyaduna sheegtay in dhawaqa madaafiicda laga maqlayo, xaafadaha la jaar ka ah xafiisyada dowlada Ukraine.

Ciidamada Ruushka ayaa gudaha u galay magaalada Kiev maalin kadib markii uu Ruushku duulaan ku qaaday waddankan. Wasiirka Difaaca ee Ukraine Oleksandra Kuzmuk, ayaa dad waynha ugu baaqay in ay galaan dagaal kama danbays ah oo ay isku difacayaan.

Wasaarada Arrimaha Gudaha Ukraine ayaa iyaduna caddaysay in ciidamada Ruushku ay soo galeen magaalada caasimada ah ee Kiev.

Ruushka ayaa sheegay in ay doonayaan in ay xukuuumada Kiev hubka ka dhigaan, iyaga oo ka walaacsan in Ukraine ay ku biirto gaashaan buurta reer galbeedka ee NATO.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]