4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 25, 2022
Ruushka oo sheegay in uu wadahadal la furayo Ukraine
 

Jimco, Febraayo, 25, 2022 (HOL) - Afhayeenka aqalka looga arrimiyo  Ruushka ee Kremlinka Dmitry Peskov, ayaa sheegtay in madaxweyne Putin uu diyaar u yahay in uu la hadlo xukuumada Kiev, isaga oo ka jawaabaya codsiga madaxweynaha Ukraine.

Peskov ayaa sheegay in Putin uu diyaar u yahay in uu wafti u diro, waddanka Belarus si ay ula xaajoodaan wafti la filayo in Kiev halkaa u dirto, waxaana loo badinayaa in ay ka wada hadlaan in Ukraine, ay dhamaanba iska ilowdo ku biirista NATO.

Wasiirka Arrimaha Dibbada Ruushka Sergey Lavrov, ayaa isna sheegay in xukuumadiisu ay ku adkaysanayso in Ukraine ay hubka dhigto "Ukraine waa in ay hubka dhigtaa, waxaanu rabtaa in dadka reer Ukraine ay noqdaan xor, si iyaga oo xor ah mustaqbal kooda uga tashadaan".

Kremlinka ayaa dowlada hada ka dhisan Ukraine ka aaminsan mid aan ka turjumayn, doonista shacabka Ukraine, inkasta oo dadka reer Ukraine ay madaxweynaha hada jooga cod dhan 73% ku doorteen sannadkii 2019.

Xiligan ay wadahadalada ku dhawaaqeen labada dhinac, ma muuqato wax is badal ah, ciidamada Ruushka ayaa Kiev kusii siqaya, halka madaxda iyo ciidamada Ukraine-na ay halkooda difaaca kaga jiraan.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online