4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 25, 2022
Xogo dheeraad ah oo ku saabsan duulaanka Ruushka ee Ukraine oo maalintii labaad galay
 

Jimco, Febraayo, 25, 2022 (HOL) - Duulaanka uu Ruushku ku qaaday dalka Ukraine subaxdii hore ee Khamiista, ayaa maalintii labaad soconaya, iyadoo ciidamada Ruushku ay ka dagaalamayaan goobo ku dhow caasimada Ukraine ee Kiev.

Ciidamada cirka iyo gantaalada ridada dheer ee Ruushka ayaa beegsanaya magaalooyinka waa wayn ee Ukraine sida Kiev, Kharkiv, Odessa, Mariupol iyo Kramatorsk, inkasta oo aan wali la ogayn khasaare dhab ah oo gantaalaha Ruushku gaadhsiiyeen magaalada Kiev, lakin Wasiirka Arrimaha Dibbada Ukraine Dmytro Kuleba, ayaa sheegay in Kiev lasoo weeraray.

Sida ay ku warrantay idaacada Aljazeera, dhawaqa gantaalada ayaa laga maqlayaa deegaanka Obelon, oo dhaca duleedka waqooyi ee magaalada Kiev, ciidamada Ruushka ayaa ka dagaalamaya meel 10KM oo kali ah u jirta Kiev, sidookalena millateriga Ukraine, ayaa sheegaya in ay xubno kamid ah sirdoonka Ruushka ku arkeen meel 5KM u jirta Kiev.

Madaxweynaha Ukraine  Volodymyr Zelensky oo warbaahinta dalkiisa la hadlay subaxdii hore ee Jimcaha, ayaa isagu sheegay in ay dagaalamayaan oo ay difaacayaan ciida Ukraine, isagoo beeniyay warar Ruushku baahiyay oo sheegayay in isaga iyo qoyskiisu ay dalka ka bexeen, madaxweynaha ayaa si joogta ah Facebook ga ugu daabacaya warbixinaha dagaalka.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale, xaqiijiyay dhimashad 137 qof oo 10 kamid ahi ahaayeen saraakiil ka tirsan dowladiisa, isaga oo sheegay in daraasiin kalena ay dagaalka ku dhaawacmeen.

Beesha Caalamka iyo dagaalka maalintii labaad galay

Madaxweynaha Golaha Fulinta ee Midowga Yurub Ursula von der Leyen, ayaa sheegtay madaxweyne Putin lagula xisaabtami doono dagaalka uu ku qaaday Ukraine.

"Madaxweyne Putin dagaal ayuu markale keenay Yurub, Midowga Yurub wuu midaysan yahay, caawa waxaa kulmay madaxda midowga, si aanu u cambaarayno dagaalka, madaxweyne Putin waa lala xisaabtami doonaa" ayay tidhi Von der.

Waxaa siixoogaysanaysa cunaqabataynta ay dalalka reer galbeedku saarayaan xukuumada Moscow, dadka qaniga ah ee u dhashay Ruushka, ayaa ilaa hada laga xayiray hanti dhan 39 bilyan oo dollar oo u taalay bangiyada galbeedka, waxaa sidookale, xayiraado la saarayaa waxa loo dhoofin karo Ruushka iyo waxa uu dinida u dhoofin karo, sida uu madaxweybe Biden sheegay.

Ingiriiska ayaa sheegay in uu madaaradiisa ka mamnuucayo diyaaradaha  ay leeyihiin dadka ka agdhaw xukuumada Putin, isla markaana anay diyaaradaha Ingiriisku dulmari doonin hawada Ruushka oo kamid ah kuwa ugu qaalisan adduunka, Ruushkuna uu lacag badan ka samayn jiray si loo wiiqo dhaqaalaha Ruushka.

Dowlada Shiinaha, ayaa iyadu cambaaraysay cuna qabataynta la saaray Moscow, iyadoo diiday in ay weerarka Ruushka Ku tilmaanto "duulaan" Shiinaha ayaa kordhiyay alaabada uu ka iibsado Ruushka si uu u taageero dhaqaalaha Ruushka. Lakin Shiinuhu xidhiidh wanaagsan ayuu la leeyahay Ukraine iyo Ruushka labadaba, waxaana loo badinaya in aanu taageero toos ah siinin Moscow.

Dowlada Turkiga oo iyadu xidhiidh wanaagsan la leh galbeedka iyo Ruushka labadaba, ayaa cambaaraysay duulaanka Ruushka, waxayna ku tilmaantay waxaan la aqbali karin iyo in aan qarnigan xadadka xoog lagu badali karin.

Xaalada Kiev

Dadka ku dhaqan maagalada caasimada u ah ee Kiev, ayaa dareemaya cabsi xoog leh, kumanaan ayaa qaxaya, sida Aljazeera ku warramaysona, dadka magaalada ayaa badan koodu hubaysanyihiin, iyadoo la arkayo, rag, dumar iyo caruur ku hubaysan noocyada kala duwan ee qoryaha.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online